Integration tv

Integration TV waa barnaamij muuqbaahiye ah saldhiggiisu yahay dalka Kanada oo ay aasaastay Hodan Nalayeh.
Aragti guud
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Integration TV waxaa loo aqoonsaday muuqbaahiyhii ugu horeeyay ee afka Ingriisiga ku hadla ee Qurbajoogta soomaaliyeed sidoo kale waxa uu daboolaa in badan oo u baahi qabtay barnaamijyo ay daawadaan inta badan soomaalida, waxaa taa dheer dhacdooyinka bulshada soomaaliyeed ee dagan dalka kanada, fikradaha wawanaagsan ee Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo dabagalka arrimaha ku saabsan horumarka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Integration Television sidoo kale waxaa u hadaf ah isku xirka, bidhaaminta iyo xoojinta qurbajoogta Soomaaliyeed dhammaan caalamka.
Waxaa dheeraad ah soo saarista barnaamijyo todobaadle ah, bandhigyada qaybaha todobaadyada waxaa ka mid ah bedbedela sheekooyinka sida "Shaah & Sheeko" taasoo macnaheedu yahay "Tea and Talk" ee Af-Soomaaliga. Shaah & Sheeko ee lagu martigaliyo Soomaali kala duwan, waxaana looga doodaa qodobo muhim u ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana kor loogu qaadaa wacyiga ku saabsan guud ahaan arrimaha bulshada.
Integration Television waxaa laga soo daayaa dabayaaqada todobaad waliba FEVA TV iyadoo laga heli karo YouTube Channel.[1]
Martigaliyaha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Hodan Nalayeh waa maamule warbaahineed, iskudubaride iyo wariye.[2] Hodan waxay ku dhalatay Laascaanood, Soomaaliya sanaddii 1976 waxay u guurtay Edmonton, Alberta sanaddii 1984. Hodan waxay heshay Bachelor kuna heshay fanka Tabinta ee Jaamacadda Windsor.[3] Inta ayasn aasaasi Integration Television 2014, Hodan waxay noqtay qof sameeya soona saara barnaamijyo kala duwan iyo bandhigyo sifa So You Think You Can Dance Canada and American Idol.
Taariikh
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Integration TV markuu ugu horaysay marso 2, 2014 ayuu ka baxay City TV.[4] Waqti soo horeeysay ee sanadkaan, waa laga joojiyay in lagu soo bandhigo City TV waxaana loo wareejiyay in lagu soo bandhigo YouTube channel.
Bishii May 28, 2015, Hodan waxay ku dhawaaqday in lahu soo bandhigi doono si todaadle ah FEVA TV.
Martida
[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Bandhigga waxaa ka soo muuqday marti caan ah kala si Kathleen Wynne, wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah Cabdi Caynte, sida atariishada dharka xayeesiisa ee Ayaan Cilmi iyo afhayeenka madaxa muslimiinta amerika Nouman Ali Khan.
Integration TV waxaa ka mid ah waxyaabaha uu soo gudbiyo barnaamij loogu talogalay horumarka Soomaaliya. Bishii Maajo 24, 2015, Integration TV waxaa caddeeyay 18-jir lagu magacaabo Rashid Cabdullahi deggan dalka Netherlands kaasoo soo bandhigay musalsal Integration TV lagu magacaabo "Muqdisho iyo xagaayga".[5] Bandhigga waxuu abaarayin uu iftiimiyo horumarka ka jira Muqadisho, ee caasimadda Soomaaliya. Shan iyo toban silsiladood ee fadhi dhacdooyin ah oo ay ku jirto bandhigga buugaagta muqdisho ee caalamiga ah iyo dhandhigga dhaqanka Soomaaliyeed.
Hawlo biniaadamnimo iyo dhaqdhaqaaq bulsho
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Integration TV maaha oo kaliya Warbaahinluugu talo galay Somali Canadians, waa mid dhammaan u furan bulshada. Bishii Juun 9, 2014, ururka gabdhaha Toronto ayaa ku dhawaaqay in Integration TV uu taabagaliayay.[6] Integration TV sidoo kale wuxuu taaba galiyay 2015 Sanadlihii cuna dhaqameedka xalaasha ah oo fadhigooda ahaa Mississauga, Ontario.[7]

In addition, Integration TV uses its influential platform to raise awareness for various causes. Nalayeh is the founder of the Somali Refugees Awareness Project, a non-profit organization that advocates for Somali refugees across the world and seeks to help protect and resettle refugees that fled Somalia during the 1990 civil war.[8]
Sidoo kale, Integration TV wuxuu soo daaya barnaamij saamayn leh iyo iftiiminta horumarka qurbajoogta soomaaliyeed waana muasasad aan faaiida doon ahayn. Bishii May 5, 2015, Integration TV wuxuu baahiyay wacyi galinta bulshada soomaaliyeed ee ku aadan xagga dhimirka ee Dr. Abdirahman Ali Habeeb, oo ah mid ku taqasusay caafimaadka xagga dhimirka asigoo xanaaneeya dad dhimirka la' ee Soomaaliya. asigoo kaashanaya Al Jazeera, Integration TV shaagayna in uu taageerayo dhismaha xarun caafimaad ee laga dhiso mcaasimadda. Afar bil kadib, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay in loogu deeqay dhul Dr. Xabeeb arrintiisii.[9]
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- ↑ FEVA TV. "Integration TV". Archived from the original on 2015-06-29. Retrieved 2 Oktoobar 2015.
{{cite web}}: Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Nalayeh, Hodan. "Ms. Hodan Nalayeh (Executive Producer, Integration TV, As an Individual) at the Status of Women Committee". Open Parliament. Open North. Retrieved 3 October 2015.
- ↑ Reason, Cynthia. "TV host Hodan Nalayeh shines a light on Somali life in Toronto". Inside Toronto. 2015 METROLAND MEDIA GROUP LTD. Archived from the original on 14 Bisha Tobnaad 2017. Retrieved 4 October 2015.
{{cite web}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Hiiraan Online. "Muuqbaahiye cusub oo soo bandhigaya sawirka Soomaali-Kanadiyaan in Mainstream Media!". Hiraan Online.
- ↑ Nalayeh, Hodan. "INTEGRATION TV: waxaa loo ogolaaday in ay warbaahinta la hadasho! #My252Summer!". YouTube. Integration TV. Retrieved 5 October 2015.
- ↑ Reason, Cynthia. "Young Somali soccer players find fun in fitness, learn soccer skills playing on girls-only team". Inside Toronto. METROLAND MEDIA GROUP LTD. Archived from the original on 25 Bisha Shanaad 2015. Retrieved 4 October 2015.
{{cite web}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Muslim Fest. "Hodan Nalayeh". Muslim Fest Mississauga. Muslim Fest. Archived from the original on 21 Bisha Sagaalaad 2015. Retrieved 4 October 2015.
{{cite web}}: Check date values in:|archive-date=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ Keung, Nicholas. "Somali-Canadian youth seek solutions for their homeland". Toronto Star. Retrieved 6 October 2015.
- ↑ Nalayeh, Hodan. "Mental Health Doctor in Somalia! #DrHabebIsAHero". YouTube. Integration TV. Retrieved 5 October 2015.